[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed

Date:

Badhabo, Jannaanyo 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  oo Baydhabo kulan kula qaatay qaar ka mid ah culimaa’udiinka Koofur Galbeed ayaa ka dalbaday in ay doorkooda ka qaataan dadaalada lagu xoojinayo Nabadda, dib u heshiisiinta iyo wadajirka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa culimada ku bogaadiyey doorkooda wanaagsan ee fidinta diinteenna suubban, wacyi gelinta iyo toosinta bulshada isaga oo ku adkeeyay in ay kaalin muuqata ku yeeshaan halganka dib u xoreynta dalka gaar ahaan dabar goynta fikirka gurracan ee Khawaarijta.

Dhankooda, culimada ayaa la wadaagay Madaxweynaha talooyin ku aaddan dib u heshiisiinta, dowlad dhiska  iyo la dagaallanka fikiraayay xagjirka ah, iyaga oo bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday xoreynta, xasilinta dalka iyo dowlad-wanaagga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada ka codsaday in ay sii xoojiyaan dadaalladooda ku aaddan kobcinta wacyiga bulshada, ayna hormuud u noqdaan xaqiijinta Soomaaliya xor ah, xasillan isla markaana Barwaaqo ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...