Galmudug oo Bogaadisay qabashada ciidamada Qaranka ee Maanta Deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug

Date:

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu bogaadiyey howlgal ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka ee dib u xoreynta ay maanta Khawaarijta uga xoreeyeen deegaanka Ceelhuur ee gobolka Mudug.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu ku dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...