Ciidamada Isra’iil oo toogasho ku dilay dhalinyaro falastiiniyiin ah

Date:

 

Ciidamada Isra’iil ayaa subaxnimadii hore ee maanta, labo dhalinyaro Falastiini ah ku dilay magaalada Jeniin ee waqooyiga daanta galbeed.

Wariyasha ka howlgala daanta galbeed ayaa sheegaya in labada wiil oo dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabi jiray Ciza-Diin Xamaamra  oo 24 sano jir ahaa iyo Amjad Khaliili oo isagana 23 sano jir ahaa, la dilay ka dib markii Gaari ay wateen ay Rasaas ku  fureen Ciidamada Isra’iil, xilli ay marayeen tuulada Jaba, ee koonfurta Jenin.

Dilka dhalinyaradan ayaa qey ka ah dilal isdaba jog ah oo Ciidamada Isra’iil ay beryahii danbe u geeysanayeen muwaadiniinta reer Falastiin.

Dhanka kale, Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Xamas, ayaa Jimcihii shalay Marinka Qaza,  ka abaabulay howlgallo lagu taageerayo kooxaha wax iska caabinta si loo difaaco Masjidka Al-Aqsa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...