Iiraan oo dil toogasho ah ku Xukuntay Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhiga

Date:

Garsoorka Iiraan, ayaa Maanta oo Sabti ah, ku dhawaaqay fulinta xukunka dilka ah oo lagu riday Wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhigga Iiraan, Cali Reza Akbari, kaasoo lagu helay inuu  la shaqeynayay basaasiin u dhashay Britain.

Maxkamadda sare ee Iiraan ayaa horey Garsoorka ugu taageertay xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Akbari, kadib markii lagu helay dambi ah inuu Gacan saar la lahaa sirdoonka Britain.

Cali Reza Akbari, ayaa la xiray intii u dhaxeysay sanadahii 2019-2020, waxaana la sheegay in uu heystay dhalashada Britain.

Cali Reza Akbari, waxa uu xilka Wasaaradda Difaaca qabtay intii u dhaxeysay 1999-2005, xilligaasi oo uu dalka xukumayay Madaxweyne Maxamed Khatami.

Mareegta Mizan Online, ayaa Arbacadii hore sheegtay, in Akbari, lagu xukumay dil toogasha ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay inuu waxyeello u geeystay amniga gudaha iyo dibadda ee dalka, isaga oo sidokale u gudbiyay macluumaadka sirta ah Boqortooyada Ingiriiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...