Dowladda Ruushka oo sheegtay in uu la wareegay magaalada Soledar ee Uraine

Date:

Dowladda Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo afjareen qabsashada Soledar oo ah magaalo laga soo saaro milixda oo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo uu ka socday dagaal xooggan.

Wasaaradda difaaca ee Moscow ayaa sheegtay in tani ay u ogolaaneyso ciidamada Ruushka in ay jebiyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalada Bakhmut, oo ah magaalo ay weeraro ku qaadeen muddo bilo ah.

Balse militariga Ukraine ayaa beeniyay in Soledar lagala wareegay, waxayna sheegeen in dagaalka halkaasi uu wali ka socdo.

Horraantii toddobaadkan kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegtay in ciidamadooda ay qabsadeen Soledar, balse waxaa arrintaasi ka hor yimid wasaaradda gaashaandhigga ee ruushka.

Dagaalo Qarar ayaa labada dhinac muddo ku dhaw sanad dalka  magaaloyinka dalka Ukraine ku dhexmaraya xoggaga Ruushka iyo kuwa Ukraine

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...

Ciidamada Ammaanka Caasimadda oo gacanta ku dhigay Mooto lagu soo raray Hoobiyeyaal iyo Miinooyin

Ciidamada Ammaanka ee Caasimadda Muqdisho oo ka duulaya xogo...