Dowladda Ruushka oo sheegtay in uu la wareegay magaalada Soledar ee Uraine

Date:

Dowladda Ruushka ayaa sheegay in ciidamadooda ay soo afjareen qabsashada Soledar oo ah magaalo laga soo saaro milixda oo ku taal bariga Ukraine, halkaasoo uu ka socday dagaal xooggan.

Wasaaradda difaaca ee Moscow ayaa sheegtay in tani ay u ogolaaneyso ciidamada Ruushka in ay jebiyaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalada Bakhmut, oo ah magaalo ay weeraro ku qaadeen muddo bilo ah.

Balse militariga Ukraine ayaa beeniyay in Soledar lagala wareegay, waxayna sheegeen in dagaalka halkaasi uu wali ka socdo.

Horraantii toddobaadkan kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Wagner ayaa sheegtay in ciidamadooda ay qabsadeen Soledar, balse waxaa arrintaasi ka hor yimid wasaaradda gaashaandhigga ee ruushka.

Dagaalo Qarar ayaa labada dhinac muddo ku dhaw sanad dalka  magaaloyinka dalka Ukraine ku dhexmaraya xoggaga Ruushka iyo kuwa Ukraine

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...