Ciidamada Puntland oo dilay Madaxii howl-galada ee khawaarijta Daacishta Soomaaliya

Date:

Ciidanka Ammaanka Puntland ayaa sheegay in la dilay Madaxii hawl-galada kooxda Khawaarijta Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani.

War ka soo baxay taliska Boliiska ayaa lagu sheegay in Abuu Albara lagu dilay  weerar Khawaarijtu ku qaadday Balli-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00 Habeenimo 12kii Bishaan January.

“Iska hor-imaadka ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo xilkaan ay u magacaabeen 11kii, July 2021 xilligaas oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boliiska.

Dhagar qabe Abu-Albara ayuu Boliiska Puntland sheegay inuu ka soo jeedo Gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia isla markaana uu Ethiopian badan ku qasbay in ay Khawaarijta Daacish ku biiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...