Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Date:

Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shir ay isagu yimaadeen Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo muddo saddex maalin ah u socday Wasiirrada Maaliyadda heer Federaal, heer Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha,qeybsiga deeqaha kabka Miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamka ay  Soomaaliya ku taageeraan. Shirkaan ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya Hey’adda Maaliyadda heer Federaal iyo Dowlad Goboleedyada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka Wasiirrada Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo si miradhal ah. Wasiirka ayaa sheegay in aad looga hadlay arrimaha Maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha dekkedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Dhankooda, waxa sidoo kale shirka ka hadalo ka jeediyay Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in shir si miral dhal ku soo dhammaay. Wasiiradda Maaliyadda Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in la isku afgartay inta badan doodihii ay ka yeesheen hannaanka Maaliyadda dalka iyo arrimaha kale uu muhiim ah dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda dalka. Shirkaan ayaa waxa aan ka soo qeybgalin Wasiirka Maaliyadda Puntland oo la sheegay inuu arrimo shaqo uga cudurdaartay kulanka Wasiirrada Maaliyadda.

Gabagabadeydii shirkaan ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen Wasiirrada Maaliyadda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...