Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabtay kulan Wadatashi ku saabsan Sidii bahda Caafimaadka ay isaga kaashan lahaayeyn ka hortagga iyo dabar goynta cudurada Dabaysha iyo jadeecada

Date:

Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabtay Wadatashi ku saabsan Sidii bahda Caafimaadka ay isaga kaashan lahaayeyn ka hortagga iyo dabar goynta cudurada Dabaysha iyo jadeecada,

Is xog wareysi iyo wadatashi ku saabsan dabagalka kiisas cusub oo cudurka dabaysha ah oo dhawaan soo ifbaxay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in xeel dheerayaasha Caafimaadka ay meel uga soo wada jeystaan ka hortagga iyo dabargoynta cudurada dabaysha iyo jadeecada, oo ah kuwa aan daawo laheyn ka hortag mooyaane ayuu ku qotomay kulankan oo ay soo qaban qaabiyeyn Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka qeyb galeyn masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir, dhaqaatiir iyo xeel dheerayaal caafimaad oo kala duwan.

Kulanka oo sidoo kale looga hadlay qaabka loo kordhin karo Tirada caruurta Soomaaliyeed ee la talaalo oo hada aad u yar Iyo sida loo badali Karo wacyiga ay bulshadu ka aaminsan yihiin talaalka iyo qodobo kale ayaa waxaa ugu horeyn ka hadashay Gudoomiyaha Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed Dr Luul Maxamuud Maxamed.

Agaasimaha waaxda Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Ubax Faarax Axmed ayaa xustay Inay dajiyeen habraac lagu ciribtirayo cudurada Dabaysha iyo jadeecada, Laguna xoojinayo in caruurtu qaadato talaalka dabaysha.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Cadow, Ayaa ka hadlay doorkooda ku Aadan ka hotagga iyo ciribtirka cudurka dabaysha.
Ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed Dr Ibraahim Guuleed ayaa ku baaqay In la xoojiyo Wada shaqeynta Isbitaalada si meel looga soo wada jeesto cudurada dabaysha iyo jadeecada oo halis ku ah caruurta Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...