Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS oo Maanta Booqday garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho

Date:

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda Saacid Maxamed Xasan ayaa kormeeray garoomada ciyaaraha ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Wasiir Maxamed Barre iyo masuuliyiinta wasaaradda ee la socday oo ay weheliyaan Injineero indho indhayn ku samaynaya sida loo horumarin karo garoomada ayaa booqdeen Muqdisho Stadium, Injineer Yiriisow, iyo Wiish.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa qiimayn guud iyo sidii loo dayactiri lahaa garoomada iyadoo qorshaha horumarinta xukuumadda ay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha ugu jiraan horumarinta garoomada dalka.
bilaha hore ee sanadkan ayaa la filayaa in la qabto tartankii ciyaaraha dowlad goboleedyada iyadoo sanadkan lagu soo kordhiyay ciyaaraha kubadda kolayga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...