Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir oo qaabilay oo wafdi ka socday Hey’adda IOM

Date:

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Guure ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi ka socday Hey’adda IOM oo uu Hogaaminayay Mr. Bradley David.

Kulanka ayaa loogu hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeeynta ka Dhexeysa Maamulka Gobolka Banaadir iyo IOM, gaar ahaan Mashaariicda IOM iyo World Bank ay ka fulinayaan Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Kaxda, Garasbaley iyo Dayniile.

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda IOM ayaa isla qaatay in la dardar galiyo hawlaha dib u dajinta iyo taageerada Barakacayaasha ku nool Degmooyinkaas, iyo in la abuuro jawi wada shaqeyn isla markaana la joogteeyo qeybaha farsamada ee fulinta Mashaariicdaas.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...