Golaha Ammaanka oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaallada dalka Ukraine

Date:

Madaxa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u dhashay dalka Japan, Ambassador Kimihiro Ishikane ayaa ku dhawaaqay in bishan January 13-da la qaban doono Shir looga hadli doono Ammaanka iyo Nabadda ee dalka Ukraine.

Xubnaha Golaha Amaanka ee QM waxaa ku adkaan doonta inay Go’aan Mideysan ka gaaraan Xal-u-helida Colaada Ukraine.

Dowladda Raashiya oo daraf ka ah Colaadaasi kama debci doonaan Mowqifkooda, waxayna ganafka ku dhufan doontaa Codeyn kasta oo ka soo baxa Kulankaasi.

Dowladda Raashiya waxay adeegsan doontaa Awoodda Diidmada Qayaxan (Veto Power), maadaama ay Raashiya ka mid tahay Shanta dal ee ka tirsan Golaha Amaanka ee QM ee leh Awoodda ay ku laali karaan Go’aan kasta oo ay u arkaan inuusan ku jirin Danaha Dadkooda iyo Qarankooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...