Wasiirka Ganacsiga Oo Guddoomiyay Kulanka Waxqabadka Sanadka Cusub

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hon. Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud Mudane maxamed Saney Dalmar , ayaa maanta guddoomiyey shirkii toddobaadlaha ahaa ee Wasaaradda oo looga hadlay dar-dar-gelinta howlaha shaqo iyo weliba sidoo kale daba-galka ballan-qaadkii wax-qabadka 2023 ee Wasaaradda.

Wasiir Jabriil oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada, ayaa looga hadlay Barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga Soomaaliya, diyaarinta siyaasadda iyo sharciga Wax-wada-lahaanshiyaha Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah iyo weliba sidoo kale warbixino la xiriira shirar hore u qabsoomay oo ku saabsan horumarinta Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe.

Shirka, ayaa sidoo kale looga hadlay warbixino ku saabsan isla-xisaabtanka shaqaalaha Wasaaradda oo maalmahii ugu dambeeyey lagu sameynaayey kor joogtayn la xiriirta joogitaanka iyo ku negaanshiyaha shaqada ee shaqaalaha maadaama Ra’iisal Wasaaraha dalku uu ku dhawaaqay in isla-xisaabtan dhab ah lagu sameeyo shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala hay’adaha dawladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...

Ciidamada Haramcad iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal wadajir ah ka sameeyay duleedka Baraawe

Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka Xoogga...