Sacuudiga oo yeeshay gabadhii ugu horreeyay ee garsoore caalami ah

Date:

Xiriirka Kubbadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa Khamiistii magacaabay gabadhii ugu horreysay ee Sacuudiyaan ah ee noqota garsoore caalami ah, wax ka yar hal sano kadib markii xulka haweenka qaranka ay ciyaareen kulankoodii ugu horreeyay.

Aqoonsiga caalamiga ah ee Anoud Al-Asmari ayaa ah kii ugu dambeeyay ee talaabooyinka kubbadda cagta ee ay qaadday boqortooyada Sucuudiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin 37-jika caanka ahaa ee Cristiano Ronaldo kusoo biiray horyaalka Sacuudiga, iyaga oo sidoo kale ka baaraan degaya martigelinta Koobka Adduunka.

“Waan ku faraxsanahay inaan noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee dumar ah oo Sucuudi ah oo qaata calaamadda caalamiga ah ee taariikhda ciyaaraha Sucuudiga,” ayay AFP u sheegtay Asmari, oo ka mid ah siddeed Sucuudiyaan ah oo ka oo ay FIFA ku dhawaaqday.

Asmari oo 34 jir ah oo wax laga waydiiyay sida ay u dareemi doonto in ay dhex dhexaadinayso ciyaarta ragga ayaa sheegtay in aanay waxba ka fikirayn ilaa ay oggolaasho ka hesho xiriirka Kubadda Cagta ee Sacuudiiga.

In kasta oo Sacuudi Carabiya ay caan ku tahay dhaqanka adag, haddana fursado ayaa u furmaya ciyaaraha haweenka oo uu ku jiro Horyaalka Kubadda Cagta Haweenka, kaasoo bilowday bishii November 2021.

Xulka qaranka haweenka Sucuudiga ee ugu horreeya, oo ay tababare u tahay ruug-caddaa reer Jarmal Monica Stapp, ayaa 2-0 ku garaacay Seychelles ciyaartii ugu horreysay ee bishii February ee la soo dhaafay.

Sacuudi Carabiya, oo deris la ah Qadar oo martigelisay Koobka Adduunka bilihii November iyo December, ayaa dalbatay inay martigeliso Koobka Haweenka Aasiya ee 2026.

Waxa sidoo kale Sacuudiga oo ay ay wehliyaan waddamada Masar iyo Giriigga ay ka fikirayaan inay si wadajir ah u dalbadaan Koobka Adduunka ee 2030.

 

AFP.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...