Wasiirka Warfaafinta XFS oo xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka UNDP Soomaaliya

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada ee  Qaramada Midoobay  (UNDP) ee Soomaaliya , Mr Jocelyn Mason.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Wakiilka UNDP uga waramey dardar-gelinta hawlaha wacyigelinta ee wasaaraddu waddo gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, arrimaha bulshada , dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo xasilinta.

Wasiirka ayaa intaa ku darey barnaamij hawleedka wasaaradda ee sannadkan ay ka mid yihiin in shacabka si toos ah oo furan looga warbixiyo waxqabdka dowladda, taasina ay xoojineyso daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.

Mr Mason, ayaa dhinaciisa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee Wasaaradda Warfaafinta ay waddo ee dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay barnaamijyada UNDP ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaanna hawlaha wacyigelinta ee wasaaradda ay waddo. Waxaa uuna ballanqaadey Wakiilka in UNDP ay kaalinteeda kaga aaddan taageerada Soomaaliya sii xoojineyso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Rotana oo ku dhawaaqday in ay Hotel Caalami ah ka dhiseyso Muqdisho 

Maamulka Shirkadda Rotana oo ah shirkad maamusha hoteello badan...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu...

Fardowsa Maxamed Qanyare oo u hambalyeeysay Cabdi Mudalib oo galay 2aad ee tartanka Feerka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Uganda Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare,...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qabatay kulan looga hadlaayo Baaqii Ankara 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa...