Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo sheegay in Hadda wixii ka dambeeya waxa loo guurayaa in degmooyinka Khawaarijta laga saaray dowlad nimada lagaarsiiyo

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa caawa ka qayb galay munaasabad abaalmarinno lagu guddoonsiinayey shaqaalihii ugu dadaalka fiicnaa sannadkii 2022 ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Munaasabaddan oo ahayd casho sharaf ayaa Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ugu hambalyeeyey shaqaalihii sannadkaasi tagay ugu dadaalka wanaagsanaa Wasaaradda, isagoo inta kalena kula dardaarmay inay kordhiyaan dadaalka isla markaana horumariyaan shaqada ay shacabka u hayaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorshaynta ay gacanta ku hayso qorshaha guud ee qaranka, isla markaana looga baahan yahay shaqaalaheeda in sannad walba la horumariyo aqoontooda iyo shaqadoodaba.

dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS ayaa sheegay in Hadda wixii ka dambeeya waxa loo guurayaa in degmooyinka Khawaarijta laga saaray dowlad nimada lagaarsiiyo”

+7

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...