Guddiga Garsoorka Golaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha

Date:

Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee BFS oo maanta xafiiskood Aqalka Sare ugu yeeray  masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ayaa ka xog-waraystay howlaha shaqo ee wasaaradda.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday warbixinno, su’aalo iyo xogo kale oo ku saabsan hanaanka shaqo ee Wasaaradda Haweenka yo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha iyada oo ay si faahfaahsan guddiga warbixin u siiyeen Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo xubnihii kale ee la socday oo ay ka mid ahaayeen wasiir Kuxigeenka wasaaradda Cabdixakiim jimcaale, agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo xubno kale

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka Aqalka Sare Senator Naciima Xasan Xaaji Maxamuud {Gadhwayne} oo kulanka soo xirtay ayaa uga mahad celisay masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqda Aaadanaha sida wanaagsanayd ee ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaarada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dhisme cusub oo ay yeelanayso Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tanzania oo dhowaan xarigga laga jari doono

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan...

Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang

Duufaanta Tropical Storm Basyang ayaa sababtay in la joojiyo...

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay xaflad lagu xusaayey Maalinta Qaranka Kuwait

Koonfur Afrika Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda...