Raโiisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xaflad soo dhaweyn ah ku maamuusay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo muqdisho soo gaartay.
Munaasabadda oo ka dhacday Xafiiska Raโiisul Wasaaraha ayaa waxa goob joog ka ahaa Masโuuliyiin ay ka mid tahay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka , Raโiisul Wasaare ku xigeenka dalka , Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo xubno ka tirsan Golayaasha dowladda




