Xildhibaanada Labada Golle ee BFS oo Maanta Yeeshay kulan Wadajir ah

Date:

Xildhibaanada Labada Golle ee BFS  ayaa Maanta Xarunta Villa Hargeysa waxa ay ku yesheen kulan siwadajir ah u guddoominayey  guddoomiyeyaasha labada Aqal ee BFS

Shirka Xildhibaannada labada Aqal ayaa Ajandahiisa Maanta waxa uu Ahaa  ka doodista Miisaaniyadda 2023, waxaana horyimid Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur.

Kulanka waxaa goob joog ahaa ku-xigeennada labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre iyadoo si qoto-dheer looga dooday kororka Miisaaniyadda 2023-ka. Waxaa xildhibaanadu ay su’aalooyin  weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, isagoona faahfaahin ka bixiyay dhammaan weeydiimihii loo soo jeediyey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu dambeyn soo xiray kulanka isagoo sheegay in dib loogu celin doono Guddiga Miisaaniyadda labada Aqal iyo Wasaaradda Maaliyada si loo tixgeliyo soo jeedinta xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...