Senator Hassan Iidow Kobac oo katirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa Soodhaweyey Meelmarintii degmanimada degmooyinka Farlibaax iyo Gamboole ee Baarlamaanka Dowlada Hirshabelle maanta ansixiyeen kadib kulan ay ku yesheen Magaalada Jowhar.
Mudane Hassan kobac ayaa sheegay in hore u mudneed degmanimo Degmada farlibaax ee katirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hiirshabelle isaga oo u mahadnaqay Baarlamaanka Hiirshabelle iyo Madaxda Maamulkaas.
Senator Kobac ayaa balan qaaday in dhawaan adeegyadii Aas-aasiga ahaa la geynayo degmadaas isaga oo xusay in doorkooda ka qataan dadka deegaanka ka soo jeeda ee wax heysta.
Senatar Kobac ayaa sheegay in uu kamid ahaa dadkii u ololeynaayey in farlibaax ay noqoto degmo buuxda waxana uu xusay in isaga iyo wafdi Balaraan oo uu hugaaminayo ay dhawaan gaari donaan degamaadas iyo degaanada ku xeeran si ay ugu kuur galaan xaalada halkaas ka jirta.