Biden oo u ballanqaaday Zelensky inuu garab taagan yahay

Date:

Biden waxa uu Zelensky u sheegay in marnaba uu keli noqon doonin oo uu garab taagan yahay isagoo sidoo kalana u xaqiijiyay inuu siin doono Ukraine gargaar milatari oo dheeraad ah kaas oo u uku kacayo laba bilyan oo doolar.

Dhanka kale madaxweynaha Ukriane ayaa uga mahad celiyay mareykanka sida uu garab istaagay tan iyo markii uu bilwoday weerarka uu Ruusjhka ku qaaday dalkiisa.

Volodymyr Zelensky, ayaa fadhi ay isugu yimaadeen Congress-ka Mareykanka ka sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay mid lagu raadinayo xorriyadda adduunka.

Qudbad xamaasad leh oo uu jeediyay ayaa waxa uu uga mahad celiyay taageerada dhaqaale iyo midda ciidanba ee Mareykanka u fidiyay dalkiisa.

Zelensky oo marki ugu horreysay booqasho ku tagay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrrimiyo tan iyo intii ay bilaabatay colaadda Ukraine ayaa wuxuu siyaasiyiinta u sheegay in dadka reer Ukraine ay u dabaaldegi doonaan ciidda Christmas-ka iyadoo ay socdaan weerarada joogtada ah ee Ruushku ku hayo kaabayaasha tamarta ee dalkiisa.

Iyadoo ay jirto walaac laga qabo in xulafada qaar ay dareemaan culeyska iyo dhibaatada ka dhalatay iskahorimaadka iyo carqaladeynta cuntada iyo tamarta adduunka, ayuu madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu “aad ugu faraxsan yahay” midnimada iyo taageerada Ukraine.

Mr Biden waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin “uusan wax niyad ah u haynin joojinta dagaalkan naxariis darrada ah”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...