Ra’iisul Wasaare Xamse: “Soomaaliya waxay hiigsanaysaa waa cusub oo nabad ah”.

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre, oo maanta furay shirka hannaanka wadashaqeynta ee u dhexeeya dowladda fedraalka Soomaaliya iyo bangiga adduunka, ayaa caddeeyay in dalku uu ka soo gudbay dhibaatooyin badan haddana hiigsanayo horumar.

 

Xukuumadda Dan-Qaran ayaa kulanka ku soo bandhigtay siyaasadda ku aadaan dib u habeynta hay’addaha dowladda si loo gaaro hiigsiga cusub ee nabadda, degenaanshaha iyo dimuqraadiyadda ku asteysan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda dan-qaran ay xoogga saartay dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo xaqiijinta dib-u-habeynta, ayna horumarisay hab-raacyo sharci oo casri ah, qaab-dhismeed dowladeed, hannaan maamul maaliyadeed, dib-u-qaabeyn hay’ado muhiim ah, sidoo kalana la meel mariyay isbeddel siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna heshiiyay qorshe lagu mideynayo taageerada caalamiga, iyadoo lagu saleynayo arrimaha mudnaanta u leh dalka.
“Soomaaliya waxay maanta taagan tahay marxalad kalaguur ah oo taariikhdeeda ku suntan. Dalkuna wuxuu ka soo baxayaa xaaladdii loo yaqiin ‘dowlad fashilantay’ oo dagaallo sokeeyey hareeyeen, wuxuuna hiigsanayaa waa cusub oo nabad, degenaansho iyo dimuqraadiyad ku asteysan, kaas oo diyaar u ah in uu soo jiito maalgashi ballaaran”
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidaa ka sheegay furitaanka shirka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Bangiga Adduunka uga mahad celiyay taageerada hagar la’aaneed ee gaar ahaan geeddi-socodka dhammeysirka deyn cafinta oo sabab u ahaa fududeynta iyo taabbagelinta isbeddelka.
Mudane Xamse ayaa caddeeyay in lixda tiir ee mudnaanta u leh barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda Dan-Qaran uu mudnaan gaar ah siinayo Xoreynta deegaannada iyo qaab-dhismeedka amniga, caddaaladda iyo garsoor madax-bannaan, Soomaali heshiis ah, kobaca dhaqaalaha, horumarinta arrimaha bulshada, iyo helitaanka Soomaali dunida heshiis la ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...