Guddooomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Muqdisho soo gaaray

Date:

Waxaa magalada Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil,waxaana  garoonka diyaaradaha Aadan Cade ku soo dhaweeyay Habdhowraha Golaha Shacabka BJFS Xildhbaan Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, habdhowraha ku-xigeenka 1-aad iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri.

 

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland ayaa sheegay in maalmaha uu joogo Magaaladda Muqdisho uu ka qeyb gali doono furitaanka Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka oo loo balan san yahay inuu furmo 15-ka bishan, sidoo kale waxaa Muqdisho ku sugan qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha golayaasha wakiilada ee dowlad goboleedyadda dalka, iyadoo berri la filaayo inta harsan ay soo gaaraan Muqdisho.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...