Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo bogaadiyey howlgalada ka socda deegaano hostaga Degmada Ceelbuur

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka  Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee qalabka sida iyo kuwa deegaanka, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.

Qoraalka Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan.

Dowladd Goboleedka  Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida  iyo dadka deegaanka ay ku xoreeyeen deegaanka Wabxo.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maalmihii lasoo dhaaafay u fuliyeen ciidanka qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deeganka wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Argagxisada ee Alshabaab.

Wabxo waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd muddo badan Fariisin weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa...

Wasiir Xasan Macallin “Maxkamaduhu waxay xaq u leeyihiin inay ka garnaqaan doorashada”

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo Shacabka ugu Baaqay Qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General...

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...