Ilhan Cumar oo doorashada Maanta loollan adag kula galeysa haweeneey Madow ah

Date:

Ka dib markii ay ku guuleysatay doorashadii is reeb-reebka ee xisbigeeda, Ilhan Cumar waxay doorashada Maanta oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Republican-ka.

 

Ilhaan bishii Ogoosto waxay la soo tartantay afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta labaad hadana Ilhan ayay guusha raacday.

 

 

Maanta  goobaha cod-bixinta waxaa la furay 7-dii subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo ee Caawa.

 

Waxay hadda ku fadhidaa kursiga Aqalka Congress-ka oo ay ku mataleyso degmada Shanaad oo ay ku jirto Minneapolis iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

 

Mushaarka sannadlaha ah ee uu qaato qofka xubinta ka ah Aqalka Congress waa 174,000 oo doolar.

 

Dhanka xisbiga Jamhuuriga, Davis waxay ku soo guuleysatay inay xisbigeeda ku matasho doorashada guud ee Aqalka Congress-ka. Waxay la soo tartantay 3 murashax oo xisbigeeda ka tirsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...