Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay furitaanka shirka caalamiga ah ee Cimilada Adduunka (COP27) oo maanta magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar uga furmay Madaxda Caalamka.

 

Madaxweynaha ayaa madasha shirka uu ku qabsoomay waxa uu kulammo kula qaatay Madaxweyneyaasha, Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Aljeeriya Mudane Cabdulmajiid Tamuun, Kenya Mudane William Ruto, Imaaraatka Carabta Mudane Maxamed Binu Saayid, Burundi Évariste Ndayishimiye, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Ra’iisul Wasaaraha Finland Marwo Sanna Marin.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo khuburada cimilada Soomaaliyeed ee ku wehelisa Shirka COP-27 ayaa la wadaagay Madaxda Caalamka, saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso abaaraha, nabaad-guurka iyo fataahadaha oo ka mid ah saameynta isbeddelka cimilada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...