Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo Qaayib ku dilay Al-shabaab badan

Date:

Ciidanaka Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa Khawaarijta Alshabaab ku jabiyay, dagaal ka dhacay magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud, ka dib markii Argagixisada nafla caariga ah ee dalka laga sifaynayo ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka xooga iyo geesiyaasha dadka deegaanka ay ku lahaayihiin Qaayib, sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Janaraal C/llaahi Cali Caanood, ayaa sheegay inuu jiro Khasaaro xoog badan oo la gaarsiiyay Khawaarijta, isla markaana goor dhow la soo gudbin doono tiradooda.

Tuulada Qaayib, ayaa ka mid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga faramaroojiyay Khawaarijta Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...