Kenya oo faah faahisay sababta ay ciidammo ugu direyso Kongo

Date:

In ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahooda ka cararay halka tobanaan qofna la dilay ka dib markii uu dib u qafrxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Kongo iyo fallaagada M23. Waa dagaalkii ugu muddada dheeraa sidoo kalana ugu dhimashada badnaa.

 

Hada se ciidamada Kenya ayaa ku biiraya dagaalka si ay u taageeraan milatariga Kongo, xasiloonidana dib loogu soo celiyo dalkan qaniga ku ah macdanta.

 

 

Wasiirka Gaashaan dhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo ciidamada Kenya ay u direyso DRC Congo ka dib markii uu ka qeyb galay xafladda sagootintooda: “Kenya, iyada oo raadinaysa in ay hogaamiso kobaca gobolka Bariga Afrika, waxa ay danayn qoto dheer oo joogto ah u leedahay ilaalinta nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.”

 

 

“Waxaan aad uga shaqeynaynay sidii aan beesha caalamka ugu abaabuli lahayn inay taageerto ciidamada bariga Afrika,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Ducaale oo munaasabadda ka hadlayay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...