Ciidamo uu horkacaayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose oo la wareegay deegaano ay ku sugnaayeen Khawarijta Al-shabaab

Date:

Howlgal uu horkacayay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibraahim Aadan Cali Najax  laguna baacsanayay Maleeshiyadda Shabaab ayaa laga sameeyay  tuulooyinka Balow,Murugey, Siigoole,Moora guusha ,Culo goof,Ceel hubeer, Culo bar baare,Culo biyoole,Gabaherig, Goobaale.oo dhaca xuduuda Gobolka Hiiraan.

 

 

Maleeshiyadda Shabaab ayaa iskaga cararay deegaanada uu howlgalka ka dhacay ,Ciidamada Xooga dalka, Daraawishta koonfurgalbeed ayaa howlgalka ka gacan siiyay Maamulka Gobolka.

 

 

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa  kormeer ku tagay deegaanno dhawaan ay ka dhacen  dirir u dhaxeysay beelo walala ah  iyagoo odayaasha dhaqanka aan boorinay dadaalkooda ku aadan xaqiijinta Nabada.

 

 

Maamulka Degmada Wanlaweyn,wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliska KGS ayaa howlgalka qeyb ka ahaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...