Puntland iyo Galmudug oo gaaray heshiis ka kooban Shan qodob

Date:

Kulankaan oo looga hadlayay Xoojinta Amniga, Xasiloonida iyo wadajirka Bulshada Gobolka mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari, Gudoomiye ku xigeenka dhanka Puntland Waloore ,Odayaasha dhaqanka iyo laamaha amniga ayaa lagu qabtay Deegaanka Laama Ari-boob ee Gobolka mudug.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Bulshada Reer guuraaga ah iyo xal u helida deegaamaynta dhulka xoolo daaqeenka ah taas oo marar badan kusoo noqnoqday inta u dhaxaysa Deegaano horay looga heshiiyay inay xoolo Daaqeen noqdaan.

 

 

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa laga soo saaray ugu dambayntii qodobo qeexaya ilaalinta Amniga.

 

1-Guddiga 14 xubnood ah oo dhaqan ah isla markaana xog ogaal u ahaa heshiisyadii degaanada oo ugu dambeeyay Heshiisyadii Bandiiradley iyo Goldogob.

 

2 in la keeno heshiisyadii la kala Qortay.

 

3 in todobaarkaan layskugu yimaado shir lagu dhamaystirayo hirgalinta heshiisyadii hore.

 

4  in dib loogu laabto heshiisyadii Bandiiradleey iyo Galdogob.

 

5 ilaalinta soodimaha ayna u xilsaaran yihiin Ciidamada Isku dhafka ah oo ay xoojinayaan Ciidamada Booliska Iyo Daraawiishta labada Dowlad Goboleed.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...