Khawaarijka oo lagala Wareegay Deegaano Cusub. (SAWIRO).

Date:

 Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdi Fitaax Qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dhowaan khawaarijta alshabaab ka xureeyay Deegaanka Cali Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo u kuurgalayay xaaladaha guud deegaanka ayaa booqday saldhiga degmada oo khawaarijta alshabaab ay ka qoteen godad waaweyn oo gabaad ay kaga dhiganayeen weerara Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa kacdoonka, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Saldhiga kusoo arkay raadadka falal anshax xumo ah oo khawaarijta kula kici jireen dadka masaafurka ah ee ku socdaala wadada gaar ahaan haweenka oo ay kufsi kula kici jireen.

Madaxweynaha ayaa kormeeray Fariisimaha Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa kacdoonka waxa uun bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay soo hoyeen iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin ciribtirka argagixisada cadowga ah, Isagoo dul tagay goobtii lagu fashiliyay gaari damacsanaa inuu isku qarxiyo fariisin ciidamadu ku lahaayeen banaanka hore ee Magaalada waxa uuna abaalmarin gudoon siiyay Ciidamadii fashiliyay weerarkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Xoghayaha Guud ee Guddiga Qaran Tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamza Cabdi...

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...