Xildhibaano katirsan BFS oo booqday Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday

Date:

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay booqdeen Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday dadka birmu-geydada ah ee lagu gumaaday Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, Xildhibaannada oo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ayaa waxa ay Alle uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kale Xildhibaannada ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ku jira Cispitaalada.

Xildhibaannada ayaa dhammaan ka codsaday mas’uuliyiinta Dowladda, Hay’addaha gargaarka, Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in gargaar deg-deg ay gaarsiiyaan goobaha Caafimaadka iyagoo adkeeyay in dhaawacyada weli ay u baahan yihiin dhiig iyo daryeel Caafimaad.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaannada BFS ansixiyey Hindise-Sharciyeed Amniga Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Guddiyada Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Shirka Maalgelinta Caafimaadka Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga oo bogaadiyey guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda

Wasiir-dawlihii hore ee Wasaaradda Amniga, Mudane Farxaan Cali Axmed,...