Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo Tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska,qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxyadii Magaalada Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxyadii bahalnimada ahaa ee argagixisadu maanta ka fuliyeen Isgoysaka Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogtaynta la dagaalanka Cadawoga Al-Shabaab, si looga gulaysto cadawgaas caadaystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Alle uga baryay muwaadiniintaas in uu hoygooda ka yeelo Janatul Fardowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyay Muwaadiniinta kale ee dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxyadaas arxandarada ahaa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...