Hawlgallo guulaystay oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageeraΒ ayaaΒ lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanΒ khawaarijta Alshabaab, waxaana lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.
Hawlgalladaan waxa ay dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.
Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.
Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali-Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hayβadda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ah iyadoo lagu dhaawacayΒ in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.
Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm,Β Β 10:25pm,Β Β 10:43pm, 12:00am saq-dhexe,Β waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloowΒ dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaasΒ oo farriisan weyn u ahayd argagixisada, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjoogeΒ Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka ka dhanka ah.
Weerarada xalay dhacay, midka Koowaad, waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo argagixisado lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay Gaarigaas iyo Agabkii saarnaa.
Weerarka labaad ee isla xalay daqiiqado ka dib dhacay waxaa lagu beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isagaΒ oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya, wuxuu baabiβiyay dhammaan maleeshiyadii ka ag dhowaa, waxaanaΒ meydadkooda la aqoonsaday 9 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta iyo horjoogayaashooda halkaas ku sugnaa, iyadoo intooda badan la aqoonsan waayay maydadkooda maadaama ay aad u gubteen.
Weerarka afaraad waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadkii ka firxaday weerarada hore ee ka dhacay Bur-coloow kuwaas oo iyaga oo is uruursanaya la baabiβiyay.
Dawladdu waxeey aaminsantahay in tirada dhimashada ee Khawaarijta ka soo gaaray hawlgaladaas uu kor u dhaafayo Boqol, waxayna wali uruursanayaan maydadkooda, iyagoo saaka oo kaliya geeyay deegaanka Al-kawthar oo u dhaw Aadan-yabaal maydadka 33 Maleeshiyo.
Hawlgalkaan waxaa suura galiyay xog dhameystiran oo ay haysay Hayβadda sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa saaxiibadeena caalamka oo aan uga mahadcelinayno taageeradooda.
Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka goβan ciribtirka maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-shabaab, dhalinyarada ay qaldeen waxa ay dowladdu ugu baaqaysa in ay isi soo dhiibaan si naftooda ay uga badbaadsadaan hawlgalkan wadajirka ah.
Warbixintan waxaa qoray: Abdulkadir Isse
