Howlgal amni xaqiijin ah oo ka Socda Galkacyo.

Date:

Si loola socdo dhaq dhaqaaqyada Gaadiidka ka dhax shaqeeya Gudaha magaalada Galkacyo iyo kuwa soo gala isla markaana ujeedka looga gol leeyahay uu yahay adkeynta amniga iyo la socodka gaadiidka aan laheyn Aqoonsi sharci ah kuwa aan wadan dukimiintiyada ogalaanaya wada marista iyo canshuurta sadax bilood laha ee loogu talagalay in gaadiidku ay bixiyaan si waafaqsan xeerka wada marista ee wasaarada Gaadiidka Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa Taliska Qeybta Gobalka mudug ee Ciidanka Nabad Galyada wadooyinka Booliisku waxa ay ka bilaabeen Howlgalo lagu adkeynayo la socodka dhaq dhaqaaqyada Gaadiidka iyo u hogaansamida shuruucda uga dagsan wasaarada Gaadiidka DG Galmudug arimaha la xariira sharciyada wada marista

Ciidamada Nabad Galyada wadooyinka Ayaa intii ay ku guda jiraan howlgalka waxaa ay gacanta ku dhigeen in ka badan 100 gaari oo isugu jira kuwa dadweynuhu raacaan ee ka dhax shaqeeya gudaha magaalada Galkacyo iyo kuwa waaweyn ee xamuulka ee isaga kala gudba goballada dalka ee marinkoodu isku xirku uu yahay magaalada Galkacyo

Taliyaha Ciidanka Nabad Galyada wadooyinka Gobalka mudug ee Galmudug Xidigle Shariif Cali Xarbi oo aan la kulmay intii ay ciidamadu ku guda jireen howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaan uu qeyb ka yahay dadaalada la xariira sugida amniga iyo la dagaalanka argagixisada maadaama loo baahan yahay in si dhow loola socda dhaq dhaqaaqyada gaadiidka ka dhax shaqeeya gudaha magaalada iyo kuwa safarka ah ee soo gala ama ka baxa waxaana intaas uu ku daray in dhamaan gaadiidka ay ciidamadu soo qabteen ay yihiun kuwa aan wadan Warqadaha Aqoonsiga sharciyadeed iyo Taarikada DG Galmudug iyo Tan Dowlada Fadaraalka Soomaaliya sidaa Darteedna la marsiinayo sharciga

Ugu Danbeyna xidigle Shariif Cali Xarbi ayaa ka codsaday milkilayaasha Gaadiidka iyo Darawalladu in ay u hogaansamaan sharciga isla markaana ay isku soo diwaan galiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan ciddii amarka Maamulka u hogaansami weysana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...