Kooxaha Islaamiyiinta oo boqolaal qof ku dilay Mali, kumanaanna barakiciyey

Date:

Masuuliyiinta dalka Mali iyo kooxaha wax faalleeya ayaa sheegaya in kooxaha Islaamiyiinta ee dalkaas ka dagaalamaa, inay maalmihii ugu dambeeyey ku sii siqayaan dhinaca bari ee dalka Mali iyaga oo qabsaday deegaano cusub. Kooxaha Islaamiyiinta ayaa waxay laayeen boqolaal qof oo rayid ah halka ay kumanaan kalena ku khasbeen inay guryahooda ka caraaraan.

 

Guulaha cusub ee ay gaareen kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaas, ayaa markhaati fur u noqonaya culayska dalka Mali ka haysta in uu buuxiyo booskii ay banneeyeen ciidamada dalka Faransiiska iyo kuwa reer Yurub ee dalkaas ka baxay, iyada oo dhinaca kalena uu xumaaday xidhiidhkii Mali ay lahayd dalka Niger, taasoo keentay inay joogsadaan hawlgalladii milateri ee wada jirka ahaa ee ay ka samayn jireen meelaha u dhow xuduudda ay wadaagaan Niger iyo Burkina Faso.

 

Dagaal culus oo u dhexeeya kooxaha gooni u goosadka ah ee Tuareg iyo kooxda isku magcawda dawladda Islaamiga ah ee Saxaraha (ISGS) ayaa laga soo sheegayaa gobolka Menaka, halkaas oo ay ciidamada Mali kala wareegeen ciidamada Faransiiska bishii June.

 

Tan iyo markii ay baxeen ciidamada Faransiisku waxaa soo culays badani uu soo fuulay dawladda Mali, iyada oo kooxaha Islaamiyiintuna ay dardar geliyeen hawlgalladooda.

 

Tan iyo bishii March, waxa la dilay boqollaal qof oo u badan dad rayid ah, iyada oo kooxaha Islaamiyiintu ay gulufkooda ku ekeeyeen gobolka Menaka iyo gobolka kale ee la deriska ah ee Gao, sida laga soo xigtay warbixinta ACLED oo dusha kala socota xasaradaha hubaysan ee gobolkaas ka socda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...