Wasiirka Maaliyadda oo Maraykanka kaga qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee hay’adda IMF iyo Bangiga Adduunka+Sawirro

Date:

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Elmi M. Nur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ee uu toddobaadkaan ka furmayo Shirka Sanadlaha ah ee Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka, iyadoo xalay uu la qaatay shirar horu-dhac ah labada hay’adood ee kor ku xusun.

Wasiir Wasiirka iyo Wafdiga Wasaaradda Maaliyadda ee la socda waxa ay ka qeyb gali doonaan shir weyn oo si gaar ah looga hadli doono arrimaha Maaliyadda Soomaaliya, dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta iyo  hannaanka guud ee dib-u-habaynta dhaqaalaha Dalka.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda inta uu Washington joogo waxa uu kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la yeelan doonaa hey’addaha dhaqaalaha caalamka, Waaxda Maaliyadda Dowladda Mareykanka iyo xubnaha kale ee muhiimka ah ee ka socda dadalka Kabka Miisaaniyadda Soomaaliya siiyo iyo kuwa kale ee Deeq-bixiyeyaasha.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...