Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland ayaa howlgalo Balaraaran oo lagu xaqiijinaayo amniga ka sameeyey dhamaan xafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo ee Caasimada Gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalkan oo qaatay saacado badan ayaa lagu qabqabtay dad looga shakisanyahay in ay kamid yihiin kooxaha argagixisada Al-shabaab kuwaas oo baritaano hataan lagu hayo
Dhamme Shugri Faarah Ducaale oo kamid ah saarakisha jubbland oo la hadlay warbaahinta, markii uu soo dhamaaday howlgalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu sii socondoono howlgalka ilaa inta Ciidamada ka sugayaan Amaanka Guud ee magaalada Kismaayo.