Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo u Ambabaxday Dalka Canada

Date:

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Wafdi ay hoggaaminayso, ayaa maanta u ambabaxay magaalada Montreal ee Dalka Canada .

halkaa oo ay uga qeybgali doonaan shirka Caalamiga ah ee Hay’adda Duulista Hawadda Adduunka ee (ICAO).

Dawladda Soomaaliya, ayaa ka mid ah 193 waddan ee xubnaha buuxa ka ah ICAO , iyadoo inta uu socda shir weynaha Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay soo bandhigi doonto warbixin la xiriirta guulaha ay Dawladda Soomaaliya ka gaartay adeegyada duulimaadyada iyo Hawada sare , waxaa kalo ay kulamo doceedyo la qaadan doontaa wasiirrada iyo wakiillada ururrada iyo hay’adaha duulimaadyada adduunka ee shirka ka qeybgalaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...