Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay madaxa hey’ada TIS-3 ee Soomaaliya, iyagoo kawada hadlay horumarinta Caasimadda

Date:

Guddoomiya gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay madaxa hey’ada TIS-3 ee Soomaaliya Mr. Iftikhar Ahmed, iyada oo ay shirkan goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee maamulka gobolka.

 

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale iyo Madaxa Hey’ada TIS-3 ayaa kawada hadlay dardargalinta mashaariicda la xariirta horumarinta Caasimadda, gaar ahaan dib udhiska goobaha danta guud, shaqa abuurka dhallinyarada, tababarada shaqaalaha iyo wacyigalinta degmooyinka xiga duleedka Magaalada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...