Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo saraakiil oo ku guuleystay iney kala dhexgalaan Beelo walaalo ah oo dagaalamay

Date:

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xooga Dalka ayaa ku guuleystay iney kala dhexgalaan Beelo walaalo ah oo ku dagaalamayey tuulooyin u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle
Gudoomiyaha Gobolka oo ku sugan goobta ka dhacay dagaalka ayaana wada dadaalada xalka loogu raadinayo dagaal beeleedyada kuso laalabtay degaanadaasi
Waxaana uu sheegay in loo baahanayahy sidii looga shaqeyn lahaa nabada dadka walaalaha ah.
Gudoomiyaha ayaa sido kale xusay in Degaanadaan ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada ku nool dagaalna aysan xamilikarin
Mas’uulyiinta ayaana sido kale odoyaasha dhaqanka labada dhinac ugu baaqay iney isugu yimaadaan gogol nabadeed si xal looga gaaro dhibaatada ka dhalatay dagaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...