Boqol ka tirsan Al shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad oo lagu dilay dagaaladii todobaadkaan ka dhacay deegaanada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed

Date:

In ka badan boqol ka tirsan argagixisada Al shabaab oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad oo lagu dilay dagaaladii todobaadkaan ka dhacay deegaanada Dowlad goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed.

WAR SAXAAFADEED

MUQDISHO,11-09-2022: Ciidamada Qaranka iyo Dadka Deegaanka, oo is kaashanaya ayaa kooxda argagixisada ah ee alshabaab ka xoreeyay in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaalla, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed , laguna dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada.

Hawlgalo bilow u ah fulinta aragtida Dawladda Soomaaliya ee ku aadan in Argagixisada Alshabaab laga xoreeyo Dalka, ayaa ka socday meelo badan oo ka mid dalkeena Soomaaliya.

Kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay al-Shabab, ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah.

Goobaha laga xoreeyay, waxay ahaayeen kuwo argagixisadu tacadiyo joogto ah ugu gaysanaysay bulshada isla markaana kasoo abaabulaysay weeraro halis badan. goobahaas waxaa ka mid ah:-

Hirshabelle-Hiiraan: Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad.

GALMUDUG-Galguduud: Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid.

Koonfur Galbeed-Gobolka Baay: Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyareey, Boorami, Baaqay iyo Kaayoow.

Intii ay socdeen hawlgalada, waxay argagixisadu falal aargoosi ah kula kacday Maati iyo dad Rayid ah, oo ay isugu dareen afduub, dil iyo birburinta hantida dadweynaha ee noloshooda daruuriga u aheyd.

Dawladda Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay ka dulqaaddo Shacabka Soomaaliyeed tacadiyadda arxan-laawayaasha alShabab ay ku hayeen 15-kii Sano ee la soo dhaafay, Isla markaana la ciqaabo dambiilayaasha.

Dawladdu, waxay bogaadinaysaa mujaahidiinta Ciidamada Qaranka iyo Dadka xaq-u-dirirka ah ee hubka u qaatay in ay diidaan dullaysiga Khawaariijta ka been-sheegaya diinta Islaamka, kana macaashaya dhiigga dadka Soomaaliyeed..

Hawlagaladdu, waa sii soconayaan, si joogto ah ayaanan dadka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa hadba halka ay xaaladdu marayso.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...