Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo maanta daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada.

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada, oo muhiimad u leh Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada.

 

Xafladda ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada , ayaa waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka, wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka, gobolka Banaadir , ururka la-talinta ee Waayeel iyo hay’adda UNICEF.
Wasiir Biixi Iimaan Cige , oo daahfuray munaasabadda ayaa sheegay in manhajka uu awood siinayo fulinta iyo fahanka Siyaasadda ilaalinta bulshada , iyadoo ujeeddaduna tahay in la helo muwaadiniin khibrad u leh Ilaalinta Bulshada (Social Protection).
Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay sannadkii 2019-kii Siyaasadda Ilaalinta Bulshada , taa oo lagu gaaray fulinta barnaamijka Qaran ee taageerrada Qoysaska Nugul (Baxnaano) , wuxuu barnaamijkan si degdeg ah uga jawaabay xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay Ayaxa iyo Abaarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo xariga ka jaray dhismaha Buundadda Sabiid iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho 1- Madaxweyne Xasan...