Saraakiil katirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray Degmada Baxdo ee gobolka galgaduud ee Galmudug si ay dadka deegaanka ugu dhiirigeliyaan dagaalka ay kula jiraan Maleeshiyaadka Argagixisada Alshabaab.
Saraakiishaan waxaa hogaaminayo Taliyaha Guutada 1aad qeybta 12ka April G/sare Hassan Mohamed Abukar Jaamici.
Dadka ku dhaqan Degmada Baxdo ayaa lagu xasuustaa sidii ay isku duubnida u muujiyeen ugana hortageen weerarkii iyo daandaansigii maleeshiyaadka ka tirsanaa kooxda al shabaab ay ku soo qaadeen degmada iyo bulshada ku dhaqan’ ayagoo weerarkaa dadka degmada baxdo jab iyo argagax ku rideen meleeshiyaadkii soo weeraray.