Maamulka Puntland oo Galmudug ku wareejiyey Deeq Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato ladagaalanka Argagixisada Deegaanada ay ka haysato Galmudug

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali oo uu wehlinayo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Maxamed Waloore iyo Guddoomiye kuxigeenka Dagmada ayaa ku wareejiyey Maamulka Galmudug Deeq Raashin iyo Shidaal isugu jirta oo loogu talagalay in looga qayb qaato ladagaalanka Argagixisada Deegaanada ay ka haysato Galmudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug iyo ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug ayaa Deeqdan kala wareegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland Mudane Faysal Sheikh Cali.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa sheegay in ahmiyada 1aad ee hogaamintiisu siindoonto ladagaalanka Argagixisada Alshabaab, isagoona umada Soomaaliyeed ugu baaqay in laga hortago cidkasta oo aragta wax lidi ku ah amniga ama shaki dareentana inay laamaha Amniga la soo xiriiraan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...