Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wasiirka Difaaca oo kawada hadlay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

Date:

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka iyo Saraakiil kale ka tirsan Taliska 27aad ee XDS, isla markaana howlo shaqo u jooga magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 


kulanka waxey ay kaga wada hadleen dardargelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii dambe si xoogleh uga socday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si wada jir ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab, waxaana uu Wasiirka balan qaaday in Al-Shabaab laga cirib tiri doono dalka ayna dhiirigelin u sameyn doonaan saraakiisha hogaamineysa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee habeen iyo maalin u taagan sidii guud ahaan Soomaaliya looga sifeyn lahaa dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...