Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Wasiirka Difaaca oo kawada hadlay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab

Date:

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka iyo Saraakiil kale ka tirsan Taliska 27aad ee XDS, isla markaana howlo shaqo u jooga magaalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

 


kulanka waxey ay kaga wada hadleen dardargelinta howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii dambe si xoogleh uga socday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Hirshabeelle mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa si wada jir ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab, waxaana uu Wasiirka balan qaaday in Al-Shabaab laga cirib tiri doono dalka ayna dhiirigelin u sameyn doonaan saraakiisha hogaamineysa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee habeen iyo maalin u taagan sidii guud ahaan Soomaaliya looga sifeyn lahaa dhagarqabayaasha Al-Shabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...