Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kukmay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Fei Shengchao

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Fei Shengchao.

Kulanka Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka Shiina oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wafaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al Cadaala ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka Wadashaqeyn ee u dhexeeya Safaaradda Shiinaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys ayaa Safiirka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Safaaraddu lagarabtaagantahay Wasaaradda Warfaafinta, isagoo ka codsaday in lasii xoojiyo taageerada iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Safiirka Shiinaha Mr. Fei Shengchao ayaa isna ballanqaaday in ay xoojinayaan taageerada Safaaradda ay siiso wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...