RW Xamse Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida AUN Abwaan Hadraawi.

Date:

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan dhammaan Ehelka, Qaraabada, Bahda Fanka iyo Suugaanta iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida xannuunka badan ee ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Hadraawi.” Ayuu yiri Mudane Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay weydey abwaan aqoon durugsan u lahaa Suugaanta, Dhaqanka iyo afka Soomaaliga, Isagoo Eebe u weydiiyey naxariista janno in uu ka waraabiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...