Muqdisho-15-8-2022:Iyadoo Gobolka Hiraan uu ka soconayo hawlgalo lagu baacsanayo Argagixisada Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Maxamed Tahliil Biixi Taliyaha Qaybta 27aad CXDS , iyo Saraakiil kale ayaa Booqday maanta Furimaha Hore dagaalka Gaar ahaan degaanka teedaan oo shalay afka ciida loogu daray Argagixisada iyagoo kulamo la qaatay Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidanka iyo masuuliyiinta kale Ee heer maamul goboleed iyo heer fadaraal ee Sugan Agaas.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jatye Cusmaan iyo xildhibaano ka tirsan gobolaha shacabka ee safka hore uga jiray dagaalka ayaa kusoo dhaweeyay taliyaha ayaga oo warbixin ka siiyay sida ay u socotay xaalada.
Taliyaha ayaan ku booriyey in sii wadaan baacsiga Argagixisada isla markaana waxa uu dhiirigalin u sameeyey Ciidanka naftood Hurayaasha ah isagoona Fariin u diray adag u duray maleeshiyada Alshabaab.