Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Galmudug oo lagu qabtay magaalada Johannsebrug

Date:

Munaasabad loogu dabaal-dagayay Sanad guurada 16-aad ee kas oo wareegatay aas aaskii Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Afrika.

Xaflada oo aheyd mid aad ubalaaran ayaa waxaa kas oo qeyb-galay qeybaha kala duwan ee Jaaliyada kuwaas oo isugu jira Odayaal,Ganacsato,Waxgarad iyo boqolaal dhalinyaro ka kala yimid magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Intii ay socotay Munaasabadan waxaa qadka telefoonka ugu qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Ahmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ku boogaadiyay ka warqabka dalka.

Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor waxa uu ugu baaqay inay Jaaliyadda kasoo jeeda Gobolada dhexe ay kasoo qeyb-qaataan gurmadka dadka abaaruhu ku saameeyeen dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.

Gabagabada Munaasabada ayaa waxaa Shahaadooyin la gudoonsiiyay qaar ka mid dhalinyaradii soo abaabusha xaflaad waxaana sidoo kale xaflada sanad-guurada aas aaska Galmudug lagu qabtay Magaalada Johannsebrug ee dalka Koonfur Africa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...