Laamaha Amniga Mudug oo gacanta ku dhigay agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday

Date:

Gudoomiya Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa ka qayb galay kulan Deg Deg ahaa oo lagu soo bandhigayey Laamaha Amniga Gobolka Mudug oo ku guulaystay soo qabashada Agab ka kooban Walxaha Qarxa iyo gaarigii waday oo la rabay in lagu khal-khal galiyo Amniga iyo Horumarka Bulshada.

Taliyaha Aaga Ciidanka Daraawiishka Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Galdogob, Saraakiisha CID iyo laamaha Amniga Gobolka Mudug ayaa qayb ka ahaa kulan kan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa ucadeeyey in gacanta lagu dhigay Agabkan iyo Gaarigii siday oo laga soo qabtay Magaalada Galdogob, isagoona Bulshada la wadaagay in har iyo habeen Laamaha Amniga iyo Masuuliyiinta Gobolka utaaganyihiin la dagaalanka iyo ka hortaga Ururada Argagixisada ee Cadowga ku ah Nabada Bulshada Soomaaliyed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...